Du är på väg till Knivsta växer - kommunens webbplats för samhällsbyggande och utveckling.

Du är på väg till vår näringslivswebbplats. Här hittar du allt om näringsliv i Knivsta – från etableringsmöjligheter till företagarnätverk.

Du är på väg till kommunens karriärwebbplats Jobba i Knivsta.
Se vad vi erbjuder!

1.0

Du är på väg till Knivsta biblioteks webbplats. Du kommer att lämna webbplatsen för Knivsta kommun.

Du är på väg till webbplatsen för Hälsohuset -

kommunens sim- och träningscenter.

Du är på väg till webbplatsen för Knivsta Centrum för idrott och kultur (CIK). Du kommer att lämna

Knivsta kommuns webbplats.

Du är på väg till Kommunala skolwebben - webbplatsen för Knivstas kommunala förskolor och skolor.

Du är på väg till webbplatsen för Knivsta kulturskola.

Du är på väg till webbplatsen för Sjögrenska gymnasiet.

Kontakta oss via Kontaktcenter eller nyttja vår självservice

Välkommen till Självservice!

Välj e-tjänster eller blanketter för att utföra ditt ärende till kommunen.
Många ärenden kan du utföra via våra e-tjänster.
För andra ärenden får du ladda ned en blankett, fylla i och skicka in med vanlig post.

Här tar du del av våra tjänster på andra språk
Please find our services in other languages below

Välkommen att lyssna på Knivsta.se

Sök på webbplatsen

Ku soo dhawoow Knivsta

Degmada Knivsta waxay ku dhexeysaa magaala-madaxda Iswiidhen ee Stockholm iyo magaalada jaamacadda ee Uppsala. Knivsta waxay ka mid tahay magaalooyinka Iswiidhen sida dhaqsaha ah u koraya. Waa magaalo da’ yar oo ay carruur iyo dhallinyaro badani ka mid yihiin dadka deggan.

Blommor i centrala Knivsta

Waxaan halkaank u soo bandhigeynnaa xogwarran gaaban oo ku saabsan degmada Knivsta iyo hawlaha ka socda. Haddii aad dooneyso inaad wax ka ogaato degmada, waxaa lagugu soo dhoweynayaa inaad la xiriirto Xarunta xiriirka dadweynaha Knivsta. Waxaad halkaas kula kulmeysaa lataliyaha dowladda hoose oo kaa caawinaaya wixii warbixin iyo hagid ah. Haddii aad u baahan tahay turjubaan, degmada ayaa kuu qabaneysa. Xarunta xiriirka dadweynaha waxaa jooga shaqaale ku hadla af-ingiriisiga.

Kaalay o ona soo booqo. Markaas waxaa noo fududaaneysa inaan ku caawinno.

  • Adareeska booqashada: Aqalka degmada Knivsta, Centralvägen 18
  • Waqtiyada aan fyranahay: Isniin ilaa jimce, saacadaha 8 – 16.30.
  • Telefoonka: 018-34 70 00

Sidaan ayuu maamulka degmadu u shaqeeyaa

Iswiidhen waxay u qaybsan tahay 290 degmo. Degmo walba waxaa ka jira maamulka mas’uul ka ah adeegga bulshada badankood oo laga qabanqaabiyo meesha aad deggan tahay, dugsiyada barbaarinta, iskoolada, gargaarka bulshada, af-iswiidhishka ajnebiga loogu talagalay, maktabadda iyo hawlaha gurmadka.

Hawlaha degmada waxaa lagu maalgeliyaa canshuurta laga qaado dadka degmada deggan. Waxay kaloo degmadu deeq dhaqaale ka heshaa dowladda dhexe. Adeegyada degmada ka jira qaarkood waxaa laga qaadaa khidmad.

Waxyaalo aad u badan oo ay degmadu qabato waxay ku salaysan yihiin xeerka uu Baarlamaanka Iswiidhen dejiyey.

Yaa iska leh go’aanka hawlaha degmada

Golaha degmada ayaa ah xubinta ugu sarreysa ee go’aandejinta degmada. Hawlaha Golaha degmadu ay u qabtaan dadweynaha Knivsta waxay u dhigmaan hawlaha uu Baarlamaanka Iswiidhen u qabto dhammaan dadweynaha Iswiidhen.

Afartii sanaba mar ayey dadweynaha degmada ku nooli doortaan siyaasiinta u fadhiyi doona Golaha degmada afarta sano oo soo socota. Xilligaas afarta sano ahna waxaa loo yaqaan xilliga xilqaadka.

Go’aamada ugu muhiimsan oo uu Golaha degmadu gaaro sannad walba waxaa ka mid ah waxa maamulka degmadu qaban doono iyo sida uu u kala horreysiinayo hawlahaas sannadka soo socda. Waxaa kaloo halkaas la´gu go’aamiyaa inta ay le’ekaaneyso canshuurta laga qaado dadweynaha iyo sida lacagta degmada loogu qaybinayo hawlaha kala duwan ee degmada laga qabanqaabiyo.

Golaha degmada waxaa hoos yimaada dowladda hoose ee degmada iyo guddiyo u xilsaaran in ay degmada ka fuliyaan go’aamada uu Golaha degmadu gaaro. Kadib natiijada doorashada afartii sanaba mar la qabto wuxuu Golaha degmadu magacaabayaa siyaasiinta xubno ka noqonaya dowladda hoose ee degmada iuo guddiyada.

Arrimaha maamulka

In ku dhow dhammaan siyaasiinta degmadu waxay arrimaha siyaasadda ku hawllan yihiin waqtiyada ay firaaqada yihiin. Maamulka dowladda hoose ee degmada iyo guddiyadu waxay adeegsadaan hawlo maamulka oo ay fuliyaan shaqaale xirfad u leh arrimaha maamulka. Shaqaalahaas maamulku waxay ka shaqeeyaan qorsheynta iyo hirgelinta go’aamada ay siyaasiinta degmadu gaaraan. Agaasimaha guud ee maamulka degmada ayaa leh mas’uuliyadda guud ee hawlaha maamulka oo loo qaybiyey xafiisyo badan. Xafiis walibana wuxuu leeyahay qof madax ka ah oo mas’uul ka ah hawlaha halkaas ka socda.

Warbixin dheeraad h oo ku saabsan Iswiidhen iyo bulshadeeda

Barta internet Warbixin ku saabsan Iswiidhen waxaa loogu talagalay qofka adigoo kale ah oo Iswiidhen ku cusub. Waxaad halkaas ka heleysaa warbixin ku saabsan bulshada Iswiidhen jawaabaha su’aalo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan arrimaha ay ka mid yihiin guryaha, daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada. Waxaa kaloo halkaask u qoran warbixin ku saabsan xuquuqda aad leedahay iyo waajibaadka ku saaran waqtigaaga ugu horreeya ee aad Iswiidhen joogto. Waxaad raadsan kartaa shaqooyinka bannaan, iyo rugta daryeelka caafimaadka iyo iskoolka kuugu dhow.

U isticmaal bartaan internet sidii aad wax uga ogaan lahayd bulshada iswiidhishka. Waxaad halkaas ka heleysaa warbixin ku qoran afaf badan.

www.informationsverige.se External link, opens in new window.

Af-iswiidhishka ajnebiga (SFI)

SFI waa barasho af-iswiidhish oo asaasi ah oo loo baranayo luuqad labaad ahaan iyo warbixin ku saabsan bulshada iswiidhishka. Waxbarashadaan waxaa marka ugu horreysa loo talagalay qofka ajnebiga ah oo dhowaan yimid iyo qaxootiga laakiin xataa dadka joogey Iswiidhen waqti dheer.

Carruurta iyo dhallinyarada

Maamulka degmada ayaa mas’uul ka ah dhammaan carruurta iyo dhallinyarada ku sugan degmada. Carruurta iyo dhallinyarada ku nool Iswiidhen waxay xaq u leeyihiin barbaarin iyo waxbarasho dugsiyeed.

Maamulka degmadu wuxuu kaloo ka yahay carruurta loo geysto dhibaato xagga jirka iyo xagga maskaxda, iyadoo aan loo eegin in ay degmada joogto u deggan yihiin ama in ay kumeelgaar ugu sugan yihiin. Xafiiska gargaarka bulshada ayaa u xilsaaran in uu dusha kala socdo xaaladda carruurta – iyo haddii loo baahdo – in uu hubiyo in qoysku helay caawimaad.

Xarunta xannaanada ee carruurta jirta 1-5 sano

Degmada Knivsta waxaa ka jira xarumo xannaano iyo barbaarin carruur oo loogu talagalay carruurta da’doodu u dhexeyso 1 sano ilaa 5 sano. Degmada waxay hawlaha barbaarinta carruurta ka qaaddaa khidmad.

Dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin in ay ka qaybqaataan xannaanada carruurta laga bilaabo sannadka ay buuxsadaan saddex sano. In laga qaybqaato xannaanada guud ee carruurta waa lacag la’aan.

Fasalada barbaarinta carruurta

Dhammaan carruurtu waxay bilaabi karaan fasalada barbaarinta sannadka ay buuxiyaan lix sano. Haddaba waxaa fursad u haysataa inaad doorato iskoolka uu ilmahaagu ka dhiganayo fasalka barbaarinta. Hawlaha barbaarintuna waxay iskoolka ka socdaa maalintiiba saddex saac.

Dugsiga hoose/dhexe

Bisha agoosto oo ilmuhu buuxinayo toddobo sano ayuu bilaabayaa dugsiga hoose/dhexe. Iswiidhen waxaa ka jira waxbarasho khasab ah oo micneheedu yahay in dhammaan carruurta Iswiidhen ay ka qaybgalaan waxbarashada dugsiga hoose dhexe oo ka kooban sagaal sano oo khasab ah. Waxbarashada dugsiga hoose dhexe waa mid lacag la’aan ah.

Degmada Knivsta waxaa ku yaal toban dugsi oo ah kuwa hoose/dhexe. Marka ilmahaagu dhammaysto fasalka barbaarinta wuxuu isla iskoolkaas ka bilaabayaa fasalka koowaad. Haddiise uusan ilmahaagu horay u soo dhigan fasalka barbaarinta waxaa loogu deeqayaa iskooka ugu dhow meesha la deggan yahay. Haddaad dooneyso inaad iskoolkaas ka beddelato oo boos ka bannaan yahay iskool kale oo aad jeceshahay in uu ilmahaagu dhigto, kolka waa suurtagal inaad u beddelato.

Xarumaha xannaanada carruurta waqtiga firaaqada

Carruurta da’doodu u dhexeyso lix sano ilaa 12 sano waxay xaq u leeyihiin in ay joogaan xarunta xannaanada carruurta waqtiga firaaqada marka waalidkood shaqaynayo ama waxbaranayo. Degmadu waxay carruurta joogta xarunta xannaanada carruurta ka qaaddaa lacag khidmad ah.

Dugsiga sare

Marka qofku dhammaysto dugsiga hoose dhexe wuxuu codsan karaa in uu bilaabo dugsiga sare. Dugsiga sare wuxuu u dhisan hab qaybo waxbarasho oo saddex sano socda. Waxaa jira waxbarasho heer qaran ah iyo kuwo takhasus ah. Waxaa kaloo jira waxbarasho dhammaystir ah oo loogu talagalay ardayda aan haysan waxbarasho ku filan oo ay ku bilaabaan waxbarashada qaranka. Waxbarashada qaranku waxay qofka haysta fursad u siineysaa in uu u gudbo waxbarasho jaamacadeed.

Qofka ku nool degmada Knivsta wuxuu dugsi sare ka dhigan karaa Knivsta, Uppsala ama degmooyin kaler. Degmada Knivsta waxaa ku yaal dugsiga sare Sjögrenska oo diyaaraya waxbarashooyin badan xirfad-diyaarin ah. Waxaa kaloo dugsiga laga qabanqaabiyaa waxbarasho dhammaystir ah.

Xannaanada iyo gargaarka uu xafiiska gargaarka bulshadu siiyo waayeelka

Maamulka degmada ayaa mas’uul ka ah xannaanada iyo gargaarka dadka da’doodu ka weyn tahay 65 sano iyo dadka naafada ah. Gargaarkaasi wuxuu noqon karaa mid guriga lagu siiyo ama mid lagu siiyo guryo gaar ah oo waayeelka lagu xannaaneeyo. Haddii qofku naafo yahay oo da’diisu ka yar tahay 65 sano waxaa kolkaas gargaarka loo siinayaa hab loo sameeyo hawla-maalmeed ama meherado kale.

Dadka qaba naafo culus ama joogto ah oo aan raaci karin gaadiidka dadweynaha waxaa la siinayaa ruqsad in ay qiime jaban ku safraan. Ruqsaddaas qiimaha jaban waxaa lagu safri karaa gudaha degmooyinka Knivsta iyo Uppsala. Qofka doonaya in uu u safro meelo ka baxsan degmooyinkaas wuxuu codsan karaa ruqsad qaran oo gaadiidka lagu raaco.

Xafiiska gargaarka bulshadu wuxuu kaloo dadka siiyaa caawimaad ama gargaar xagga dhaqaalaha, si xun u isticmaalka maandooriyaha iyo khamriga iyo caawimaad uu siiyo carruurta iyo qoysaska dhaqaale xumidu hayso.

Haddaba si aad qayb uga hesho xannaanada iyo caawimaadda degmada waxaad u baahan tahay inaad haysato sharciga degganaanshaha, ama aad Iswiidhen uga diiwaangeshan tahay inaad tahay qof magangelyadoon ah.

Markaad xanuunsato

Dhammaan dadka ku nool Iswiidhen waxay xaq u leeyihiin daryeel caafimaad. Qofka magangelyadoonka ahi wuxuu xaq u leeyahay daryeelka haddii xanuun degdeg ahi ku dhaco ama ilka-xanuun degdeg ahi ku dhaco, iyo daryeelka caafimaad ee hooyooyinka, ummulinta, talasiinta ka hortagga uurqaadidda iyo daaweynta haddii ilmo laga soo xaaqo.

Carruurta iyo dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 18 sano waxay xaq u leeyihiin daryeel caafimaad iyo mid ilkaha oo lacag la’aan ah.

Haddii adigoo ku nool Knivsta aad xanuunsato waxaad la xiriireysaa Maamulka adeegga bulshada ee gobolka Uppsala:

Haddaad u baahan tahay gargaar degdeg ah

Haddii dab kaco ama shil dhaco ama xanuun kugu soo boodo, ama aad la kulanto jirdil iyo hanjabaad khatar Wac 112

Haddii laguu geysto fal dembi ah waa inaad la xiriirtaa ciidanka boliiska oo telefoonku yahay 114 14.

Dhaqanka iyo waqtiyada firaaqada

Ku soo dhawoow maktabadda

Maktabadda Knivsta waxay ku dhextaal aqalka maaulka degmada Knivsta oo ku yaal Centralvägen 18.

Waxaad halkaas ka heleysaa buuggag, wargeysyo iyo warsidayaal. Maktabaddu waxay leedahay qayb weyn oo carruurta oo lagu soo dhawoow dhammaan carruurta. Haddaba si aad wax uga amaahato maktabadda, waxaad u baahan tahay kaarka amaahda. Shaqaalaha maktabadda ayaa kaa caawinaya inaad hesho kaarkaas. Kaarkaasina waxaa lacag la’aan, laakiin waxaa lagaaga baahan yahay kaar aqoonsi oo aad isku caddeyso.

Waqtiyada maktabaddu caadi ahaan furan tahay:

Isniin 12 - 17
Talaado - khamiis 10 - 20
Jimce 12 - 17
Sabti 11 - 15

Goobaha carruurtu ku cayaarto

Degmada Knivsta waxaa ku meelo badan oo carruurta lagu soo dhoweynayo in ay ku cayaaraan. Qaar ka mid ah meelahaas lagu cayaaro waxay ku yaallaan dhulka dugsiyada barbaarinta iyo iskoolada caadiga ah. Saacadaha shaqada ee maalinimada waxaa halkaas ka socda hawlo kala duwan, laakiin saacadaha kale carruurtu waa iman karaan halkaas oo ku cayaari karaan.

Ku soo dhawoow dhulka aan dhisnaýn oo dabiiciga ah

Degmada Knivsta waxaa ku dhul qurux badan oo lagu dhex lugeyn karo. Waxaa kaloo halkaas ku yaal goofaf iyo kaymo, dhul-cawseed iyo harooyin. Xeerka Iswiidhen ee ku tamashleynta dabeecadda wuxuu xaq noo siinayaa inaan dabeecadda dhexgalno oo ku dhexsoconno, oo ay ku jiraan dhulka ay dad kale leeyihiin. Xeerka ku tamashleynta dabeecaddu wuxuu kaloo la micne yahay in dhammaanteen ay mas’uuliyad naga saaran dhawridda dabeecadda iyo xayawaanka ku dhexnool. Qashinka waa ka qaadeynna oo dab kuma shideynno annagoo aan marka hore ogaan shuruudda la iska rabo, halkaas kama guran karno ubaha iyo dhirta sharcigu mamnuucay, iyo inaan xushmeynno guryaha dadku deggan yahay goofafka gaarka loo leeyahay.

Haddaba inta aadan duurka ama dabeecadda u bixin – warbixin dheeraad ha ka sii akhriso barta internet ee Wakaaladda dhawrista dabeecadda. Warbixintaasina waxay ku qoran tahay afaf badan.

Sii akhriso xeerka ku tamashleynta dabeecadda

Qoraalka barta internet oo dhan ku turjun Google Translate

Waxaa suurtagal ah in turjumidda dhammaan warbixinaha ku qoran bartaan internet loo adeegsan karo Google Translate. Laakiin damaanad kama qaadi karno in turjumiddaasi ay sax noqoneyso maadaama uu waxa turjumaayaa yahay mishin.

Halkaan waxaa ka heleysaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo isticmaalayo Google Translate (tusaalooyinku waxay ku qoran yihiin af-ingiriisi iyo af-iswiidhish).

Hjälpte informationen på sidan dig?

Tack för att du skickar in dina synpunkter – du hjälper oss i vårt arbete med att utveckla webbplatsen.

Sidan uppdaterades: 19 December 2023